MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Ra’iisul wasaaraha xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.
Sida uu shaaciyey xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda, wadahadalka ayaa diiradda lagu saarey sidii xal waara looga heli lahaa is-mari-waaga doorashooyinka gaar ahaan kuraasta xubnaha Somaliland ku leeyihiin aqalka Senate-ka
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi uu codsadey in la siiyo hal maalin dheeraad ah “maadaama laga sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi”.
War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: “Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay”.
Ra’iisul Wasaare @MohamedHRoble ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi & RW ku-xigeenka dalka @KhadarGulaid oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan doorashada guddoonka Guddiga doorashooyinka ee Gobollada Woqooyi. pic.twitter.com/inlzMIYT8Q
— SomaliPM (@SomaliPM) August 1, 2021
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay maanta ku eedeeyeen Rooble in uusan si cadaalad ah u maareyn muranka oo kamid ah sababaha daahiyey xulista wakiiladda maamulka Somaliland.
Xukuumadda Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horey uga dhawaajisay in ay ka shaqeyneyso sidii xal ooga gaari lahaa, hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in kala aragti-duwanaanta iyo kala qeybsanaanta wali jirto.
Siyaasiyiinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa hadda u kala qeybsan laba garab oo ay kala hogaaminayaan ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka Mahdi Guuleed, iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyada oo qadiyada khilaafka Somaliland ka mid tahay caqabadaha hortaagan doorashadda.
