Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose waxaa maanta ka furmaya shirka Madaxda dowlad Goboleedyada Soomaaliya.
Shirkan oo ah kii saddexaad ee ay yeeshaan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa dhamaadkii bishii la soo dhaafay shaaciyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.
Shirkan ayaa looga hadlayaa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xiriirka dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada oo aan hadda wanaagsaneyn.
Maamulka Jubaland oo marti gelinaya shirkan ayaa waxaa uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyaa dowladda Federaalka ah.
Waxaa uu shirkan socon doonaa muddo saddex Cisho ah,waxaana maanta Magaalada Kismaayo tagaya Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aada halka Madaxweynayaasha kale ay xalay ku hoydeen Kismaayo.
