Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Heerka xal-raadinta siyaasadda iyo dwladnimada Soomaaliyeed haddii uu joogi jiray waddanka dibaddiisa oo ay dhexdhexaadin jireen dad isugu jira shisheeye dan raadis ah iyo sokeeye damac leh, maanta waa ka duwan yahay sidii uu ahaa 6 sano kahor, sidaas awgeed madaxda dowladda dhexe heerkii ay doonaan ha joogaane waa in ay kutalagalaan in dadaalka xal u helidda dhibaatada iyo dhisidda dowladnimada Soomaaliyeed uu hadda kadhow yahay sidii uu ahaan jiray.
Madaxa 5 dowlad-goboleed ayaa markii saddexaad ku shiraya Kismaayo oo Xamar u jirta 300 ml ama 485 km iyaga oo metelaya 5ta dowlad-goboleed ee ku qanacsan midnimada iyo jiritaan dowlad Soomaaliyeed oo federaal ah, taas macnaheedu waa in arrintu sidii ay u kala taagnayd sanado kahor ay hadda ka uruursan tahay.
Madaxweyne Farmaajo oo rabbi kusimay in uu madaxweyne noqdo iyada oo fursadaha iyo waqtigu ka wanaasan yihiin sidii ay ahayeen 6 sano kahor maanta talo iyo tabar wixii uu hayo waxa lagudboon in uu isugu geeyo yabyabka dowladnimada Soomaaliyeed iyo soo dhoweynta madaxda maanta joogta ee haya xilka goboladaas, sida ay ku yimaadeen iyo sida ay u arkaan dowladda dhexe kahadalkeedu habayaraatee macno kuma soo kordhinayo dhismaha dowladnimada balse in ay xilka hayaan iyo sida ay doonayaan in ay u hoggaamiyaan gobolada ayaa muhiim ah.
Dhurwaaga iyo carruurta iyaga oo aan is arag ayay is neceb yihiin, sababtuna waa hooyada oo ilmaha ku cabsiida waraabe ayaa idin cunaya, sidaas oo kale waxa jira isku cabsiin ay siyaasiyiinta qaarkood kuhayaan dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhxe, taas xal u heliddeedu waxa ay qaybta ugu weyn u taal dowladda dhexe oo maanta leh xoolo iyo xoog ay uga faa’iideysan karto hagaajnta xiriirka ay la leedahay dowlad-goboleedyada.
Madaxda dowlad-goboleedyadu waxa ugu horreeya ee ay difaacayaan waa xilkooda oo ay uga cabsanayaan in uu dhaafo, waxaana lagayaabaa in cidda ugu horreysa ee ay baqayaan ay tahay dowlad dhexe, sidaas awgeed ma jirto sabab ay xukuumadda dhexe uga aamusto ama gacmaha uga laabato gobolada oo ogol dhammaan mabaadiida waaweyn balse xanta iyo kala shakigu geliyey in ay tuhmaan xukuumadda dhexe.

Nidaamka Federalku waa mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan nuucyada xukunka ee adduunku badankiisu kudhisan yahay, dowladaha nidaamkan haysta waxa ay waafajiyeen hab nololeedkooda, Taariikhda maamulka iyo dhaqankooda nolosha
Awooduhu dowladaha nidaamka adeegsada waxa ay u kala qaybsan yihiin si ay isla ogolyihiin oo Dastuurkoodu dhigo, tusaale xukuumad federal ah oo leh tilmaanta xukuumad dhexe iyo xukuumado goboleed yaryar oo mid walbaa leedahay dhowr gobol oo ay maamusho iyada oo labadaas qaybood isku tiirsan yihiin si guud kalana baxsan yihiin si gaar ahaaneed
Mashaalka Nidaamka Federaalka
Waxa jira mashaakil lagayaabo in uu ka taagan yahay dhanka nuuca nidaam federal ah oo kuhabboon dadka Soomaaliyeed, tusaale ahaan dastuurku waa nidaamka saldhigga u ah dowlad federaal ah, waana kan metelaya awoodda sare ee dowladdaas, dastuurka caynkaas ah waxa uu kamid yahay hababka xukunka waana in uu noqdaa dastuur engegan (strict constitution) ama aan waxba laga beddeli Karin iyada oo aan lamarin hay’adda xeerdejinta ee qaabilsan lehna awoodda wax kabeddlidda iyo dib u eegiida.
Maanta dastuur caynkaas ah ma hayno, waana suuragal in habka uu hadda kusocdo in ay gaarsiiso heerkaasmarka laga tago caqabadaha haysta ee dhaqaale,cilmi iyo farsamo, inta aan ka heleyno dastuur xasilan oo malaha u baahan siyaasad iyo dowladnimo xasilloon soo maha in la isu tanaasulo hadba meesha la joogo iyo sida loo jabana loo dhutiyo.
Dhismaha nidaam dowlad federal ah?
shuruudda ugu muhiimsan ugana caasan ee uu u baahan yahay dhismaha dowlad federaal ah waxa kamid ah:
- Waa in ay jiraan dowlado ay taagan yihiin waxyaabo isku xiraya iyada oo mid walbaa leedahay waxyaabo u gaar ah oo ka saaraya kuwa kale sida Taariikh, Jinsi, Diin iyo Af,
Waxyaabahaas kala qaybinaya ama isku xiraya dadka dowlad kamid ah dowladaha sameynaya dowladda weyn ee Federaalku waa waxa xagga dambe kariixi doona in dadkii isku maamul goboleed ahba ay is ogoladaan
- Waa in uu jiro rabitaan guud oo kadhexeeya shacbiga dowladaha sameynaya dowladda weyn ee federaalka iyada oo shacbi kastaa leeyahay madaxbannaanidiisa gaarka ah iyo maamul-goboleedkiisaba.
Labadaas shardi waxa lagayaabaa in aan ka hayno dhismaha dowlad federal, balse nuuca ay noqoneyso iyo nuuca federal ee aan kudhiseyno midna ma cadda.
Marka ay halkaas taagan tahay waxa lama huraan ah in dowladda dhexe iyo madaxdeedu dhug yeeshaan oo fahmaan in waxa ugu muhiimsan ee xilligaan la qaban karaa ay yihiin isku haynta dalka iyo illaalinta wadajirka inta laga gaarayo heer uu dastuurku qeexo nuuca federaalka ee ku habboon dhismaha dowlad Soomaaliyeed
Isma hurtooy ha is halleyn!
WQ: Axmed Ciise Guutaale
Dersa Sharciga iyo Qaanuunka
Mustaqbal Radio
