Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan ka dhacay garoonka Etihad Stadium kana tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 4-aad.
Kooxda Man City ayaa ku dhibaatootay kulanka oo ay kooxda Newcastle daafaca ku jirtay una diiday City in ay goolal ka dhaliso si fiicana u difaacanaysay Goolkeeda.
City ayaa daqiiqadii 8-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Raheem Sterling kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Newcastle ayaa bilowday sidii ay u keeni lahayd goolka abr-baraha waxana ay qaaday weeraro ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolka bar-baraha ee kulanka.
Daqiiqadii 30-aad ayay Newcastle dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdaas ee DeAndre Yedlin kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen sidaasna ku aadeen qolka nasashada si ay ula soo tashadaan tababarayaashooda.
Qaybtii dambe ayay kooxda Man City ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadainayay goolkii ay mar kale hogaanka ugu qaban lahaayeen iyaga oo aan kala joojin weerarka.
City ayaa daqiiqadii 52-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Kyle Walker kaas oo dhaliyay gool gantaal ah.
Kooxda Man City ayaa heshay fursado aad u badan oo ay ku dhalinkartay goolal laakiin waxa u suurtagaliwayday in ay gool u badalaan soona taabtaan shabaqada.
Waxa sidaas ku dhamaaatay ciyaarta oo ay kooxda Man city si diriq ah ku badisay kuna gaadhay guusheedii 3-aad ee horyaalka premier League.
