Juventus Oo Guul muhiim u ah ka gaartay Parma iyo Ronaldo oo aan wali shabaqa soo taaban.

Kooxda juventus ayaa guul ka gaadhay kooxda u soo dalacday horyaalka Serie A-da ee Parma xilli uu Cristiano Ronaldo mar kale ku fashilmay in uu gool dhaliyo.

Juventus ayaa daqiiqadii 2-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mario Mandzukic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee kooxd Parma ayaa keentay goolka bar-baraha kadib dagaal badan oo ay u gashay sidii ay u keeni lahayd goolka laga dhaliyay bilowgii ciyaarta.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Gervinho ayaa dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadii 33-aad isaga oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku dhaafi waayeen kuna heshiiyeen in ay qaybta nasashada sidaas ku aadaan.

Qaybtii dambe ayuu dhashay kulanka 2-aad ee kooxda Juventus iyaga oo uu daqiiqadii 58-aad u dhaliyay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Blaise Matuidi.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Juventus sidaas ku gaadhay guusheedii 3-aad oo xiriir ah inkasta oo uuna Cristiano Ronald wax gool ah dhalin ilaa haatan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Man City oo guul dirqi ah ka gaartay Newcastle United.

Read Next

Real Madrid oo ku tumatay Leganes.