Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Kate Foster Danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya oo maanta kulan la yeelatay Ra’isalwasaare kuxigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Khadar Guuleed ayaa sheegtay in ay kala hadashay Mahdi Guuleed xaaladda siyaasadeed ee taagan, Foster oo Ka hadashay kulanka ay la yeelatay Mahdi Guuleed ayaa sheegtay in UK aanay marna taageeri doonin muddo kororsiga islamarkaana ay tahay arrin degdeg ah in Madaxda Soomaaliya dib ugu noqoto Hannaan doorasho oo la isla ogol yahay.
Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Kate Foster & Mahdi Guuleed ay kawada hadleen xaaladda taagan ee siyaasadeed, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada Dal, Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada.
War kooban oo uu faafiyey xafiiska Ra’isalwasaaraha ayaa lagu sheegay in Kate & Guuleed ay kawadahadleen xoojinta xiriirka & iskaashiga labada dal iyo xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani’aadminimada hayeeshee Kate Safiiradda Ingiriiska ee Somaaliya ayaa sheegtay in ay kala hadashay Mahdi Guuleed xaaladda siyaasadeed ee taagan iyo in aan Ingiriisku marna taageeri doonin muddo kororsiga madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
