Axmed Barre oo loo doortay Duqa Degmada Garawe

Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa lagu qabtay doorashada duqa degmadaas,waxaana doorashada kursiga duqa degmada ku tartamayay labo xubnood oo kala ah; Axmed Barre Siciid iyo Maxamed Abshir Jaamac.

Golaha degaanka ee Garowe oo dhawaan la soo xulay ayaa ka kooban 27 xubnood,waxaana 18 ka mid ah ay codka siiyeen Axmed Barre Siciid Muuse halka Maxamed Abshir Jaamac uu helay 8 cod oo kaliya.

Doorashada ka dhacday Garowe,waxaa ka qeybgelayay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Puntland sida wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose,ku xigeenkiisa iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Police detain six additional officials from Ethiopian Somali regional state

Read Next

Itoobiya oo dhistay Guddi Hub ka dhigis ku sameeya mucaaridka