Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Horyaalada Yurub kuwoodii ugu hor bilowday ayaa kaliya socda 3 todobaad laakiin Lionel Messi ayaa durba dhigay rikoodh cajiib ah oo tartamada yurub ee ugu waaweyn ah kadib markii uu ciyaaray kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaartay Real Valladolid kulankii 2-aad ee horyaalka La Liga.
Lionel Messi ayaa hogaaminaya xiddigaha ugu Gambiska badan horyaalada yurub xilli ciyaareedka cusub sida loo qiimeeyay kulan kasta kadib kulankii 2-aad ee uu ciyaaray.
Messi ayaa ciyaaray 2 kulan oo kaliya horyaalka kuwaas oo kala ah Alaves iyo Valladolid waxana uu ku guulaystay ama sameeyay 10 gambis oo sax ah labadii kulan ee uu ciyaaray taas oo u dhiganta 5 gambis kulan kasta.
Waxa jira laba xiddig oo ka Gambis badan Lionel Messi laakiin waxa ay ciyaareen kulamo ka badan Lionel Messi oo 3 kulan ah midka 1-aad ayaa ah xiddiga Allan Saint-Maximin oo u ciyaara kooxda Nice kaas oo sameeyay 13 gambis oo sax ah,
Xiddiga 2-aad ayaa ah da,yarka kooxda Lyon ee Ferland Mendy kaas oo sameeyay 12 Gambis oo sax ah kaas oo la mid ah xiddiga kooxda Guingamp ee Marcus Thuram.
Xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe ayaa ku jira kaalinta 4-aad isaga oo sameeyay 8 gambis oo sax ah labadii kulan ee uu ciyaaray isaga oo ka horeeya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Neymar oo isaga hal kulan oo dheeraad ah ciyaaray.
