Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu shalay oo sabti ahayd kulan deg deg ah la qaatay Golaha wasiirrada maamulka Jubaland.
Kulanka ayaa looga hadlayay guud ahaan xaaladda degaannada Jubaland,sida amaanka iyo dagaalka Al-shabaab.
Waxyaabaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa kacdoonka ka dhanka ah Jubaland ee ka taagan Gobolka Gedo,dagaal dhexmaray Ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Daraawiishta Jubaland, muran ka taagan Markab ku xiran Dekadda Kismaayo iyo qodobo kale.
Axmed Madoobe ayaa Kulanka aan caadiga ahayn ee Golihiisa Wasiirrada waxaa uu ka sheegay in uu amar ku bixiyay in la soo xiro Ciidamo ka tirsan Daraawiishta oo weeraray xarunta Nabad Sugidda halkaasna kala baxay Askari iyaga ka tirsanaa,kaddibna uu ka dhashay dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay,waxaana uu xusay in qaar ka mid ah Askartaas xiranyihiin.
Waxaa kale oo kulanka lagu sheegay in banddow la saaray Xaafadda uu ku yaallo Xabsiga Nabad Sugidda Jubaland,loona diiday dadka in ay xilli habeen ah socdaan,iyada oo la xiray Waddooyinka gala Xarunta Nabad Sugidda.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan Markab ku xiran Dekadda Kismaayo oo dadka uu u raranyahay iyo Maamulka Dekadda ay Canshuurta isku maandhaafeen.
Dhinaca kale kulanka ayaa lagu soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa kacdoonka ka dhanka ah Jubaland ee ka socda Gedo,kaas oo lagu eedeeyay in dowladda Federaalka ah gadaal ka riixeyso.
