Dowladda Federaalka ah ee Dalka Itoobiya ayaa sheegtay in sharciga la horgeynayo madaxeynihii hore ee maamulka Soomaalida iyo xubnihii isaga la shaqeeynayay.
Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed oo kulan la qaatay Warbaahinta dalkaas kuna qaabilay xafiiskiisa,ayaa ka jawaabayay su’aalo badan oo laga weydiiyay xaaladda siyaasadeed ee Dalka Itoobiya.
Mar wax laga weydiiyay waxa laga yeelayo Madaxwweynihii hore ee ismaamulka Soomaalida ayuu sheegay in arrintaas ay u taallo sharciga iyo caddaaladda isagana loo deynayo,waxaana uu xusay in kaligiis uusan ahayn ee Raggii qeybta kahaa rabshadihii ka dhacay Jigjiga lala xisaabtamayo.
Waxyaabaha kale ee la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in Afka Oromada uu ka dhigayo afka rasmiga ah ee dalka Itoobiya,waxaana uu kaga jawaabay in Afafka Oromada,Soomaaliga,Amxaarada iyo Tigreega noqonayaan afafka rasmiga ee dalkaas sidoo kalena Afka Carabiga ka mid noqonayo afafka looga hadlo dalka Itoobiya.
Kulankii shalay uu Ra’isalwasaaraha Itoobiya la qaatay Warbaahinta waxaa ka qeybgalay in ka badan 120 Warbaahinta oo gudaha iyo Dibadda Itoobiyaba laga leeyahay.
