Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Inta la xaqiijiyay 11 qof oo dhinacyada dagaallamay ah ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen kaddib dagaal dhexmaray Ciidamada AL-shabaab iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed oo saldhig ku leh degaanka Deynuunay oo dhowr KM u jirta Magaalada Baydhaba.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in weerar Gaadmo ah ay kala kulmeen Al-shabaab halkaasna uga dhinteen 6 Askari halka 7 kale ay uga dhaawacmeen.
Dhinaca Al-shabaab ayuu sheegay in shan ka mid ah ay halkaas uga dileen islamarkaana degaankii lagu dagaallamay ay hadda gacanta ku hayaan Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer Saldhigga Deynuunaay dagaal uga qabsaday Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ee halkaa deggan.
