Shabaab oo sii daayay dhalinyaro ay Afgooye ka wateen Maalintii Ciida.

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa la soo warinayaa inay sii daayeen dhalinyaro reer Muqdisho ah oo damaashaad iyo dabaaldegga ciida awgeed u aaday beeraha gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay sadex maalin heysteen.

Dhalinyaradan oo tiradooda ay gaareyso 12 qof ayaa waxa ay isugu jireen wiilal iyo gabdho, waxaana markii hore laga kexeystay beero ku yaalla Jambaluul oo qiyaastii 10-KM ujirta degmada Afgooye.

Dadaalo ay sameeyeen waalidiinta dhalay Dhalinyarada shabaab ay heysteen ayaa keenay iney dib uhelaan Xoriyadooda, iyadoo dhalinyarada la soo daayay dhamaantood Timaha laga soo wada xiiray, maadaama Shabaab aysan ogoleyn in dhalinyarada ay Timaha qaar iska xiiraan, qaarna ay sii deestaan.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen dhalinyaradan la sii daayay  inay wateen laba gaari oo nuuca raaxada ah, Dhalinyarada ayaa gelinkii danbe ee shalay soo Galay Muqdihso iyagoo wata labadooda gaari.

Dhalinyarada shalay ay soo daayeen shabaa,  lana kaxeystay  Talaadadii ayaa ka mid ahaa dad badan oo damaashaad iyo dalxiis u aaday meelaha indha doogsiga leh ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Mustaqbal media

Read Previous

WAREYSI:  Magaca iyo astaantii calanka DDSI oo la bedalayo.

Read Next

labada Abwaan ee Singub iyo Fidhin oo lagu casuumay DDSI.