Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka labo kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari yar oo ay wateen uu qarax la kulmay.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaceysa Jaamacadda Lafoole iyo degaanka Carbiska,halkaas oo ay marayeen.

Goobjooge ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Qofka la beegsaday lagu magacaabo Shacbaan,kaas oo uu sheegay in uu ka mid ahaa  Ciidamada Dowladda.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in Shacbaan iyo wiil seeddigii ahaa oo Gaariga waday ay goobta ku geeriyoodeen,halka dadka dhaawaca ahna ay kala yihiin wiil isaga la dhashay iyo Hooyadii.

Ciidamada Dowladda ayaa goobta gaaray qaraxa kaddib waxaana ay ka qaadeen dadkii dhimashada iyo dhaawaca uu ka soo gaaray Qaraxa.

Mustaqbal media

Read Previous

Manchester City Oo Wadahadal La Bilowday John Stones.

Read Next

Two dead as Blast heard outskirt of Mogadishu