Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray inuu u dhaqaaqayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Claudio Marchisio.
32 jirkaan oo 389 kulan u saftay 25kii sanno oo uu la joogay kooxda Turin, ayaa qandaraaska uu ku eg yahay ka hor dhamaadka Isbuucaan.
Sky Sports News ayaa warineysa in Tabaraha City oo san wali dalab ka gudbin laacibkan.
“Marka hore, faahfaahin weyn oo ku saabsan mustaqbalkiisa ciyaareed – wuxuu sameeyay xirfad cajiib ah Juventus iyo xulka qaranka.
“Bishii December, waxaan dooneynaa inaan aragno waxa dhacaayo suuqa kala iibsiga ee soo socda, lakiin haatan dalab majiro”.
Marchisio, oo 55 kulan u saftay Italy tan iyo markii uu ka mid noqday safka kowaad ee kooxda.
