Weeraryahanka Arsenal Danny Welbeck ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed u yahay kooxda reer turki ee Galatasaray.
27 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Emirates Stadium xagaagan, isagoo keliya u saftay 12 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, laakiin tababaraha cusub ee kooxda Unai Emery ayaa shaaca ka qaaday in weeraryahanka uusan iib aheyn.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Turkiga ee AMK ayaa ku waramaya in Gunners ay ku qanacsan tahay inay iibiso Welbeck si ay u xajiso mushaarkooda, iyadoo Galatasaray ay xiiseyneyso inay sii xoojiso booskeeda Champions League.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee xulka England ayaan ka mid aheyn safkii kulankii ay guul darrada kala kulmeen City ee ka dhacay garoonka Emirates Stadium.
