Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod
Booliska Dalka Germany ayaa sheegaya in Nin Soomaali ah uu Middi ku dilay Dhaqtar u dhashay Dalkaas.
Qofka Weerarka geystay ayey Booliska ku sheegeen Nin 26 jir ah,kaas oo ka mid ahaa Dadka Magaalada Offenburg,halkaas oo ay ku noolyihiin 60,000 oo qof.
Ninka weerarka geystay ayaa galay qolka Qalliinka ee uu dhaqtarka ku jiray fasaxa la’aan,waxaa uu dhaawacay kalkaaliyaha dhaqtarka,waxaana uu kaddib middi ku dilay Dhaqtarkii.
Boolisku ma sheegin in Ninkan ay qabteen iyo in kale iyo sidoo kale waxa ku kallifay in uu falka dilka ah ku dhaqaaqo.
Booliska Germany ma shaacin magaca Ninka weerarka geystay hayeeshee waxaa ay xaqiijiyeen in uu Soomaali yahay.
Magaalada Offenburg,ayey sheegeen in weerarrada noocan ah ay ku soo badanayeen sanadihii la soo dhaafay.
Waxaana ugu dambeeyay sanadkii 2016kii markaas oo Nin Maxbuus ahaa la toogtay,halka 2015kiina la toogtay Nin 44 jir ahaa.
