Diyaarad dagaal oo Booliska Kenya uga burburtay Lamu

Diyaaradda MI17 helicopter-ka ah ee ka burburtay ciidanka Booliiska Kenya

Faahfaahin dheeri ayaa ka soo baxday diyaarad Helicopter ah oo ay lahaayeen Ciidamada Booliska Kenya, taas oo ku soo dhacday Howdka Magaalada Boni ee Gobolka Xeebta ah ee Lamu.
Wargeyska The Standard ayaa daabacay in diyaarada MI 17 oo ay saarnaayeen 5 askari oo Ciidanka Kenya ah iyo laba duuliye ay ku dhacday deegaan lagu Magacaabo Haluuqo oo ku dhow Howdka Magaalada Boni, Sababta waxa ay ku sheegeen in mid kamid ah Matoorada diyaaraddu uu ciladoobay.
Suxufiyiinta tagay deegaanka ay diyaaraddu ku soo dhacday, ayaa loo diiday in ay u dhowaadaan goobta si ay macluumaad uga helaan xaalada Askarta iyo duuliyeyaasha diyaarada  iyo Xadiga burburka diyaaradda, Waxaana deegaanka ay ku soo dhacday durbadiiba isku gedaamay Ciidamada Kenya.
Diyaaraddan oo burbur soo gaaray ayaa waxa illaalo ka haya ciidanka Kenya inta laga dayactirayo
Diyaarada MI 17, waxa ay kamid ah eheyd 3 diyaaradood oo dowladda Kenya dhawaan ku soo dayactiratay Dalka Jamhuuriyadda Czech, Waxaana Kenya uga baxday 1.5 Billion oo lacagta Kenya ah.
Saraakiisha Lamu ayaa warbaahinta gudaha Kenya u sheegay in xilliga ay diyaaraddu soo dhaceysay ay ku gada jirtay howlo la xiriira sugidda amniga, iyada oo u soo kuurgeleysay meelaha ay Boni ka joogaan Shabaabka Kenya ka dagaalama.
Diyaaradda burburtay ayaa sidoo kale qeyb ka eheyd laba diyaaradood oo Ciidamada Kenya u adeegsan jireen daabulidda khasaaraha soo gaara Askarta.
Isha: The Standard iyo Ilo kale

General Editor

Read Previous

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi oo ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Read Next

Shinni Dad iyo Xoolahooda ku weerartay Tuulo Hoos tagta Jowhar.