Shinni Dad iyo Xoolahooda ku weerartay Tuulo Hoos tagta Jowhar.

Wararka ka imaanaya Tuulada Doon Cali ee Bariga Degmada Jowhar ayaa sheegaya in Raxan Shinni ah ay weerartay dadka Tuulada iyo Xoolihii ay dhaqanayeen.

Qof kamid ah dadka Tuulada oo La hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in maanta ay u tahay Maalintii Saddexaad oo Xiriir ah oo ay dhaawacyo u geysanayeyso Koox Shinni ah.

Waxa uu sheegay in ay ku jirtay Meel u dhaw Masaajid ku yaalla Deegaanka, balse aan kici jirin muddo dheer, waxa uuna intaa ku daray in ay kawar heleen shinnada oo kacday.

Dadka ugu badan ee dhibaatada kala kulmo waxa uu sheegay in ay yihiin Caruurta oo awoodi waayay in ay Tuulada isaga baxaan.

Xoolihii tuulada daaqayay ayuu tibaaxay in ay iyanna Dhaawacyo u geysatay, Tuulada kaliyena ay ku ekeed waxyeelada ay geysatay.

Qofka katirsan dadka Deegaanka ee la hadlay Mustaqbal waxa uu sheegay in dadka Tuulada ay uu isbadalay Muuqooda maadaama Shinnida ay ku qaniintay Wajiga iyo qaybo kale oo katirsan Jirkooda.

Hadda ayuu sheegay in ay dib ugu laabatay Meeshii ay markii hore kasoo kacday, waxa uuna intaa raaciyay in dadka Tuulada ay dhibane u yihiin dhibkii kasoo gaaray weerarka Shinnida.

Shinnida ayaa weeraro geysata Xiliyada Kuleeyaha ama kolka ay la kulmaan Waxyaabaha kicin kara sida Qiiqa (Qaaca) iyo in lagu weeraro Halka ay degen tahay sida ay sheegaan dadka dhaqdo.

Mustaqbal media

Read Previous

 Diyaarad dagaal oo Booliska Kenya uga burburtay Lamu

Read Next

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti “Marnaba ma go’i doono Xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya”.