Saraakiil Mareykan ah oo Dhuusamareeb u tagay tababarka Ciidanka Galmudug

Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Saraakiisha ayaa waxaa safarkooda ku wehliyay saraakiisha Maamulka Galmudug ee Ciidanka Danab oo saldhiggoodu yahay magaalada Gaalkacyo.

Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa u sheegay Saxaafadda in Saraakiisha Mareykanka ah ay u tageen Dhuusamareeb sidii ay u qiimeyn lahaayeen xarun lagu tababaro Ciidanka Danab qeybta Galmudug oo dhul laga siiyay Dhuusamareeb.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and beard

Waxaa uu Agaasimuhu sheegay in Saraakiisha Mareykanka ah ay Dhuusamareeb kulan kula qaateen Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Image may contain: sky, outdoor and nature

Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in Taliska Ciidanka Danab qeybta Galmudug ee Gaalkacyo loo wareejinayo Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo saldhig laga siiyay.

Waxaa uu xusay in tirada Ciidanka Danab ee Galmudug la kordhinayo Saraakiisha Mareykanka ahna ay arrintaas u tageen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

 

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’isalwasaarihii hor ee Hindiya oo sakaraad ku ah Isbitaal

Read Next

Ra’isalwasaarihii hore ee Hindiya oo geeriyooday