Generaal Odowaa oo ka badbaaday qarax ka dhacay afaafka hore ee xerada Generaal Gordan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday kolanyo uu la socday oo ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

Qaraxa ayaa taliyaha lagula eegtay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho gaar ahaa agagaarja dugsiga tababarka ciidamada General Gordon ee magaaladda Muqdisho.

Ciidanka Ilaada u ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa rasaas ku furay gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa taas oo keentay in uu is qarxiyo qofkii ismiidaamiyaha ahaa.

Qofka isqarxiyay ayaa waday gaari noociisu yahay Saaruf, kaas oo doonayay in uu soo dhexgalo kolanyada Ilaalada u ah taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Gen Odaywaa Yusuf Raage, balse markuu diiday in uu ka istaago ayaa rasaas lagu furay kadibna uu isqarxiyay, xilli ay marayeen meel u dhaw Cisbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo lahadlay warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga qaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen sida uu hadalka u dhigay.

Goob joogayaal ayaa Mustaqbal u sheegay in ay arkayeen gaari aan xabadu karin oo qaraxu saameeyay, hayeeshee ciidanka Xoogga dalka ay fureen rasaas xooggan taas oo keentay in laka garawaayo waxa meesha ka dhacay.

Macada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa marka laga soo tago burburka gaadiidka soo gaaray iyo in uu dhintay ninkii isku qarxiyay kolanyada Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

MM Staff

Read Previous

General Galaal: “Mushkilad ayaan u arkaa aamusnanta xukuumadda Soomaaliya ee Arrinta Badda!

Read Next

Kulanka RW Kheyre & Warbaahinta: Wixii eed & canaan loo jeediyey Iskama difaacin waxna kama diidin!