Man United Oo diiday in Barca ay ka iibiso Pogba.

Kooxda Man United ayaa go,aan kama dambays ah ka gaartay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee kooxdeeda iyo xulka qaranka France ee Paul Pogba kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Barcelona inta lagu guda jiros suuqa kala iibsiga xagaagan.

Man United ayaa sheegtay in ayna qorshaynayn in ay iska fasaxdo xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyada oo ay sabab u tahay wakhtiga aadka u yar ee ay haysato si ay badalkiisa ula soo saxiixato.

Wargayska Tuttosport ayaa sheegaya in wakiilka xiddiga ee Mino Raioa uu u soo duulay Manchester si uu uga shaqeeyo sidii uu xiddiga uu wakiilka u yahay ugu dhaqaaqi lahaa Barcelona.

Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa in uu rumaysan yahay in uuna xiddiga reer France ku soo baxayn kooxdiisa maadama uuna la qabsan karin qaab ciyaareedkiisa daafaca.

Laakiin Goal ayaa fahamsan in ayna kooxda Man United u ogolaan doonin 25 jirka in uu ku biiro kooxda Barcelona ama koox kale xagaagan.

Suuqa kala iibsiga ayaa xidhmi doona khamiista waana maalin ka hor inta ayna Man United ciyaarin kulankooda ugu horeeya ee horyaalka.

Sidaa darteed United ayaan wakhti badan u haysan in ay la soo saxiixato badalka Pogba wax saxiix ahna ma samayn karto ilaa suuqa January.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

David Luiz: “Willian waa uu jecel yahay Chelsea mana doonayo inuu katago”

Read Next

AC Milan oo xil muhiim ah u dhiibtay Paolo Maldini.