Barcelona oo si rasmi ah ula wareegtay Moussa Wague.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah heshiis ula gaartay kooxda reer Belgium ee KAS Eupen oo ku aadan saxiixa daafaca Moussa Wague.

Xiddiga reer Senegal ayaa la aamisan yahay inuu tijaabada caafimaadka u maray kooxda reer Catalan Jimcihii waxaana la filayaa inuu qalinka ku duugo qandaraas cusub maalmaha soo socda.

19 jirkaan ayaa ah daafac da’yar oo lagu badali karo Mina oo laga yaabo inuu kooxda ka hayaamo.

Wague ayaa ku biiray Eupen sannadkii 2016 ka dib markii uu ka soo qalin jabiyay akadeemiyadda Aspire, isagoo kulankiisii ugu horeysay u saftay kooxda reer Belgium kulankii 1-0 looga badiyay Genk bishii Janaayo 2017.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Read Next

Ra’isalwasaaraha Somaliya oo faragelin ku sameeyay murankii Wasaaradda arrimaha dibadda