Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wakiilka Goolhayaha Kooxda chelsea ee Thibaut Courtois ayaa kooxda chelsea u sheegay in ay joojiyaan dhibaatada oo ay Goolhayaha u ogolaadaan in uu dhamaystiro heshiiskiisa riyada ee Real Madrid (Sun).
Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa isku diyaarinaya in uu 25 milyan ugu dhaqaaqo saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara xulka Croatia iyo kooxda Besiktas ee Domagoj Vida (Sun).
Anthony Martial ayaa laga yaabaa in uu sii joogo kooxda Man United xilli ciyaareedkan inkasta oo uu si weyn u doonayo in uu ka tagayo (Mirror).
Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay kor u qaaday dalabkeeda ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba iyada oo Man United miiska u saartay lacag dhan 80 milyan oo euro si ay Barcelona ugu garaacdo kooxda Barcelona (Don Balon).
Kooxda Inter Milan ayaa suuqa dhigtay xiddigaha Marcelo Brozovic iyo Matias Vecino si ay ugu dhaqaaqaan adeega xiddiga Real Madrid ee Luka Modric (Corriere dello Sport).
Kooxda PSG ayaa joojisay wadahadaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay kula jirtay xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot inkasta oo ay doonayso in ay sii haysato xiddiga (L’Equipe).
Kooxda chelsea ayaa u samri ah is daba jiitanka wadahadalada ay ku doonayso xiddiga Bernard xilli ay ku dhaw yihiin xiddiga reer Brazil (Gazzetta Dello Sport).
Kooxda ku cusub horyaalka Serie A-da ee Parma ayaa wadahadalo lama filaan ah la qaadatay wakiilka Mario Balotelli xilli uu xiddigu sidoo kale xiiso ka kooxaha Juventus iyo Borussia Dortmund (La Stampa).
Kooxda Arsenal ayaa ogolaansho loo siiyay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga weeraryahanka kooxda Torino ee M’Baye Niang (Calciomercato).
Kooxda Inter Milan ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Matteo Darmian (Sky Italia).
