Madaxweyne Waare oo la kulmay Saraakiisha Ciidanka Jabuuti.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu ka dhacay Deegaanka Ceel jaale, kaas oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Saraakiisha Ciidamada Jabuuti.

Illo wareedyo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa sheegay kulankaan warbaahinta lagu wargeliyay in uu yahay mid gaar ah, loogana hadlayo in Ciidamada Jabuuti aan ka bixin Gobolka Hiiraan.

Arrintaan ayaa salka ku heysa kadib Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo Arbacadii ka baxay Magaalada Muqdisho, kolkii Jabuuti ay saluugtay heshiiskii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretareeya.

Madaxweyne Waare ayaa saraakiisha Ciidanka Jabuuti kala hadlaya in aan saameyn ku yeelan Khilaafka Siyaasadeed kasoo cusboonaaday Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ayaa ka howlgala Gobolka Hiiraan iyagoona ku leh Saldhiggo Ciidan oo ay ka fuliyaan Howlgalkooda.

Wixii ka dambeeyay Safarkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tagay Dalka Eretareeya waxaa soo ifbaxayay in Dowladda Jabuuti aan ku farxin heshiisyadii labada dowladeed ee aan ku jirin Colaadda Jabuuti iyo Eretareeya in uu Madaxweyne Farmaajo dhexdexaadiyo.

Mustaqbal media

Read Previous

Macno-tirka Mucaaradnimada!

Read Next

Shipowners welcome extension of EU NAVFOR Operation Atlanta