Arsenal Oo Guul soo daahday ka gaartay Chelsea.

Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Chelsea kulan ka tirsan kulamada isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub kana tirsan tartanka International champions Cup-ka.

Maurizio Sarri iyo Unia Emery ayaa iska hor yimid Derby-gii ugu Horeeyay ee London ee xirfadooda tababarenimo intii ay hogaaminayeen labada kooxood.

Labada tababare ayaa kulanka u arkayay mid muhiim ah waxana ay ku soo galeen shaxdooda ugu adag iyaga oo xiddigaha ugu muhiimsan ee ay haysteen ku soo bilowday.

Kooxda chelsea ayaa ka awood badnayn kooxda Arsenal iyada oo waliba ka fursado badnayd kana halis badnayd marka loo eego dhanka fursadaha.

Chelsea ayaa daqiiqadii 5-aadba dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Antonio Ruediger kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Alvaro Morata ayaa kooxda chelsea ka khasaariyay fursado goolal badan laga dhalin karo oo u jiro rikoodhe kaas oo uu ka qabtay Petr cech.

Arsenal ayaa iyadu ku dhibaatootay in ay weeraro ku qaado kooxda chelsea xilli ay fursadaha yar ee ay helaana ay iska khasaarinayeen.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1/0 ku hogaaminayso laakiin dhalin kartay goolal ugu yaraan 3 gool ah marka loo eego fursadihii ay iska khasaariyeen.

Ciyaarta ayaana kuso dhamaatay bar-baro 1-1 ah balse rigoorayaal 6-5 waxey guusha ku raacday Arsenal.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

The Ethiopian reform, the Horn of Africa and the orphan Somalia

Read Next

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday laba qof oo Daacish lagu eedeeyay.