Liverpool oo wadahadal la leh Sadio Mane si ay uga saxiixdan heshiis cusub.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la furtay Sadio Mane iyado ka dooneysa inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Anfield.

26 jirkaan ayaa ka soo muuqday mid ka mid ah ciyaartoydiisa muhiimka ah ee Jurgen Klopp tan iyo markii uu 34 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Southampton bishii June 2016.

Mane ayaa dhaliyay 20 gool Reds xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jirto seddexleey kulankii Porto ee Champions League.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Mane waxaa lagu abaalmarin doonaa qaab ciyaareedkiisa iyo horumarka uu ku leeyahay kordhinta faa’iidada, xitaa inkastoo xiddiga reer Senegal uusan raadineynin mushaar kordhin.

Wararka ayaa sidoo kale sheeganeysa in Liverpool ay kalsooni ku qabaan in Mane uu lasii joogi doono weeraryahanada kala ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino isagoo mustaqbalkiisa u hibeynaya kooxda.

Mane wuxuu heystaa seddex sano oo qandaraaskiisa Anfield ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Cristiano Ronaldo Oo Tababarkiisii Ugu Horeeyay laqaatay kooxdiisa cusub ee Juventus.

Read Next

Maurizio Sarri oo isha ku haayo Robert Lewandowski.