10ka dal ee ugu dhallinyarada badan Adduunka

Hay’adaha Qaramada Midoobey ee  tirakoobka iyo la socodka Taranka ayaa sheegaya in dalalka ugu dhallinyarada badan Adduunka ay noqdeen Qaaradda Afrika.

Sahan lagu sameeyay dalalka ay dadkooda u badanyihiin Dhallinyarada ayaa waxaa 10ka dal ee ugu horreysa qaatay Qaaradda Afrika.

Xitaa 20ka dal ee ugu horreysa waxaa ka soo muuqday kaliya dalka Afghanistan,waxaana 19ka kale ay noqdeen Afrikaan.

Dalka dadkiisu ugu dhallinyarada badanyihiin waxaa uu noqday dalka Niger,waxaana da’da dhex dhexaadka u ah 15.2  sano jir , halka Mareykanka uu da’da dhex dhexaadka u yahay 38 sano jir.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan tirakoobka dadka Adduunka ayaa sheegtay in dadka Niger oo hadda ah 21 milyan ay saddex jibaarmi doonaan sanadka 2050,waxaana sababata lagu sheegay heerka taranka oo aad u sarreeya.

Hooyada bedqabta ee Niger ayey warbixintu sheegtay in cel celis ahaan dhasho 7 cunug nolosheeda oo dhan.

Sidoo kale labada dal ee ku xiga uguna da’da yar waa kuwo labada dhinac ka xiga dalka Niger waxaana Chad iyo Maali, da’da dhexdhexaadka ee dadkooda waxaa lagu sheegay 16.3 sano jir.

Todobada dal ee soo haray ayaa kala ah; Somalia, Uganda, Angola, Democratic Republic of Congo, Burundi, Mozambique iyo  Zambia, dalka Zambia ayaana da’da dhexdhexaadka dadkiisa lagu sheegay 17.6 Sano jir.

Isha:mercatornet.com

News Editor

Read Previous

Midowga Yurub oo tababaray qeybta ka mid ah Ciidanka DANAB, Sawirro

Read Next

Guddoomiyaha Warsheekh oo dhaawacay Xildhibaan