Guddoomiyaha Warsheekh oo dhaawacay Xildhibaan

Guddoomiyaha Golaha degaanka Degmada War-sheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa maanta dhaawacay XIldhibaan golahaas ka mid ah.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Xassan Xaaji Axmed Darafeey, ayaa la sheegayaa in ay xabadi kaga fakatay Xildhibaan Makaraan oo ka mid ah golaha degaanka Degmada War-sheekh.

Dhaawaca Xildhibaan Makaraan ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dabiibayo.

Xilliga uu Guddoomiyaha dhaawaca geysanayay waxaa la barayay sida Baskoolad loo rido waxaana barayay Xildhibaanka uu dhaawacay.

Qof ka mid ah Maamulka Degmada War-sheekh ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in rasaasta ku dhacday Xildhibaanka aysan ahayn ku talagal ee ay kama’ ahayd.

Waxaa jiray warar soo baxay markii hore oo sheegayay in ay lacago laga qaado jidgooyo isku qabsadeen, laakiin ilo ka mid ah maamulka ayaa inoo xaqiijiyay in aysan sidaas ahayn ee ay ahayd barashada habka loo rido Baskooladda.

Guddoomiyaha War-sheekh ayaa waxaa la doortay 22kii Bishii la soo dhaafay ee August kaddib markii Degmada loo dhisay golaha degaanka,iyaguna sidaas ku doorteen maamulka Degmada.

News Editor

Read Previous

10ka dal ee ugu dhallinyarada badan Adduunka

Read Next

Kheyre oo kulan amaanka looga hadlayay la yeeshay Madaxda K/Galbeed & Hirshabelle