Midowga Yurub oo tababaray qeybta ka mid ah Ciidanka DANAB, Sawirro

Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu tababaray qeyb ka mid ah Ciidanka Lugta ee DANAB.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitterka Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay sawirrada Ciidamo ka tirsan DANAB oo tababar sameynaya sidoo kalena ridaya rasaas nool nool.

Image

Midowga Yurub ayaa Ciidamadan ku tilmaamay qeybta Afaraad ee Ciidanka lugta ee DANAB, kuwaas oo dowladda Soomaaliya loo tababarayo.

Image

Ciidamada dowladda Soomaaliya loo tababaro ayaa waxaa ay tababarrada ka helaan Dowladaha Mareykankam Turkiga, Midowga Yurub iyo AMISOM.

Image

AMISOM ayaa inta badan tababarta Booliska Soomaaliya halka Waddamada Mareykanka iyo Midowga Yurub tababaraan Ciidamada gaarka ah sida DANAB.

Image

Dowladda Turkiga ayaa Muqdisho iyo dalkeedaba ku tababarta Ciidamada Milatariga, kuwa Cirka iyo kuwa Badda.

News Editor

Read Previous

Miino laga saaray inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Garoonka Ugaas Khaliif

Read Next

10ka dal ee ugu dhallinyarada badan Adduunka