Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran
Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Paris Saint-Germain Edinson Cavani.
Los Blancos ayaan wali helin bedelka Cristiano Ronaldo, inkastoo la fahamsan yahay in kooxda heysata horyaalnimada Yurub inay diyaar u tahay inay qarash gareeyaan si ay ugu soo iibsato weeraryahan cusub xagaagaan.
Xiddiga Chelsea Eden Hazard ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo, laakiin sida ay qortay jariirada Diario AS, kooxda Julen Lopetegui ayaa sidoo kale ka fikireysa inay PSG ka iibiso Cavani.
Chelsea ayaa horey u sheegtay in ay dalab u dirtay Cavani oo ay diiday PSG inkastoo kooxda heysata horyaalka Faransiiska ay dooneyso inaysan u ogolaan doonin ciyaaryahanka reer Uruguay inuu ka tago xagaagan.
Cavani ayaa Paris uga soo biiray Napoli xagaagii 2013, waxaana 31 jirkaan uu dhaliyay 170 gool 246 kulan oo uu u saftay kooxda Faransiiska tartamada oo dhan.
