Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaallamaya Dharkenley

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is rasaaseyn u dhaxeysa Ciidamo ka wadatirsan dowladda ay ka socoto xaafaddaas.

Goobjooge ku sugan Xaafadda Kaawo Godey ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dowladd ay shalay is rasaaseeyeen islamarkaana mar kale saaka isku laabteen.

Rasaasta shalay ayuu goobjoogaha sheegay in ay billaabatay kaddib markii la rasaaseeyay Nin magaciisa lagu sheegay AK oo ah Taliyaha Booliska Degmada Balcad ee Gobolka shabeellaha dhexe kaas oo deggan Xaafadda Kaawo Godeey ee Degmada Dharkenley.

Dagaalka saaka ayaa waxaa uu daba socdaa kii shalay dhexmaray malleeshiyo degaanka ah iyo Ciidanka Taliye AK,kuwaas oo ilaa hadda ku dagaallamaya xaafadda.

Filo wixii soo kordha.

Mustaqbal media

Read Previous

Real Madrid oo isha ku heysa Edinson Cavani.

Read Next

Nin iska dhigayay nabad sugidda Kenya oo la xiray, Sawirro