Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Xiriirka kubada cagta Aduunka ee loo yaqaan FIFA ayaa waxaa ay shaacisay goolkii ugu fiicnaa koobkii kubada Cagta Aduunka ee lagu qabtay wadanka Ruushka Bishii June ee Sanadan.
Danbeedka dhanka midig Kaga Cayaara Xulka France Benjamin Pavard ayaa ku guuleystay goolkii ugu fiicnaa koobkii Aduunka intii uu socday.
22 Jirkaan u cayaara kooxda kubada Cagta ee Stuttgart ee dalka Jarmalka ayaa kubad weerar aheyd uu daafaca bidix ee France Lucas Hernandez soo qaaday waxaa uu dhex dhigay shabaqa Isaga oo si xowli ah ku socday.
Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa kulan xulka qaaday koobka ee France uu la cayaaray wareegi 16-ka wadanka Argentina waxaana goolkan uu 2-2 ka dhigay cayaarta.
Ciyaartan ayaa France waxaa ay ku adkaatay 4-3 oo xulka Argentine looga Itaal roonaaday.
Cod bixin Laga qaaday dadweynaha ayaa goolkan waxaa uu muteystay in uu ka hormaro 169 gool oo laga dhaliyay koobkii Aduunka.
Goolkan ayaa waxaa Tartan la galay gool uu dhaliyay ciyaariyahanka xulka Colombia khadka dhexe kaga Juan Quintero oo ahaa laad xor kulan ay la cayaareen Xulka Japan.
Luka Modric oo is Aragii hore ee group-yada gool ka dhaliyay kulan uu dalkiisa Croatia la cayaaray Argentina ayaa isna waxaa uu ka mid noqday goolashii ugu wanaagsanaa ee intuu socday koobkii Aduunka.
