RASMI: Chelsea oo la wareegtay goolhaye Green.

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo saxiixatay Goolhayihii hore ee xulka Qaranka England ee Rob Green oo ay kala soo wareegtay Kooxda Huddersfield.

Goolhayihii hore ee xulka England ayaa Stamford Brige u yimid si uu badal ugu noqdo una nasiyo goolhayayaasha Thibaut Courtois iyo Willy Cabballero xilli ciyaareedka cusub.

38 jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo uu kula joogi doono Blues laakiin filayo in uu noqdo dookha 1-aad ee goolka Blues.

Goolhayahan ayaa shalay tijaabada caafimaadka u maray kooxda chelsea waxana ay kooxdu si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixiisa xidigan xiligan.

“Waxa ay ahayd 24 saac oo waali ah, waxa aan ka fikirayay mustaqbalkayga iyo meesha aan doonayo in aan tago waxana aan helay Telefoon kaas oo si gaaban iigu qanciyay”ayuu yiri  xidiga markii lagu dhawaaqay heshiiskiisa.

“Waxa ay ahayd wakhti aad u fiican mana sugi karo inta aan bilaabayo shaqada”.

“Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay sharaf weyna way ii tahay in aan ku soo biiro kooxda ayuu sii raaciyay xidiga oo hadlayay”.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Juventus Oo guul muhiim ah ka gaartay Bayer Munich.

Read Next

FIFA oo ku dhawaaqday goolkii ugu fiicnaa koobkii Aduunka.