Ciidanka Liyuu Boolis oo siidaayay dad iyo Gaadiid ay afduubteen

Ciidamada dowlad Degaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis ayaa sii daayay 10 qof iyo shan Gaadiidka Cagafta loo yaqaanno ah oo ay shalay ka afduubteen Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan, AMISOM qeybta Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka ayaa ku guukeystay in la sii daayo dadkaas.

Waxaa sidoo kale dhinacyada isla soo qaadeen in baaritaan lagu sameeyo sababta Ciidanka Liyuu uga soo gudbeen Sohdinta una qafaasheend adka rayidka ah.

Maamulka Dowlad degaanka wali kama hadlin sababta uu afduubkaas u geystay Ciidamadooda.

Web master

Read Previous

Yuusuf Garaad oo ka digay Xeerka saxaafadda ee Wasiirradu u gudbiyeen G.Shacabka

Read Next

XUSUUS XANUUN BADAN!