Madaxweyne Farmaajo oo ka dagay Adis ababa, Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wafddiga Madaxweyaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Adis ababa ku qaabilay Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed Cali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya waxaa uu ka qeyb qaatay dhir lagu beerayay gudaha dhismaha Xafiiska Ra’isalwasaaraha.

War kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in labad dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,iskaashiga, dhaqaalaha iyo qodobo kale.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen xasillonida, amaanka iyo wada shaqeynta Gobolka.

Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan sheegay in uu dhex dhexaadinayo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo uu hadda u dhaxeeyo dagaal diblomaasiyadeed salkana ku haya muranka badda.

Web master

Read Previous

Waare oo dhagax dhigay Xarunta Golaha degaanka Beledweyne

Read Next

Puntland oo sheegay in 9 qof ku dhinteen Roobabka ka da’ay Gobolada Sool iyo Sanaag.