Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay shirka Jaamacada Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga qeyb galay magaalada barakeysan ee Makkah, kulan degdeg ah oo uu Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis isugu yeeray dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.

Image may contain: one or more people and people standing

Shirka oo ay isugu yimaadeen 22-ka dal ee Jaamacada Carabta ka kooban tahay, ayaa looga hadlay amuurihii u dnabeeyay ee taabanayay dalalka bah wadaagta ku ah Jaamacada Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan iyo Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani.

Image may contain: 2 people, people sitting

Caawa ayaa sidoo kale waxaa dhacaya shir ay isugu imanayaan Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga arinsanayo arinta Iiraan iyo gantaalada Xuutiyiinta ku garaacaan magaalooyinka Barakeysan ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Image may contain: one or more people and people standing

Web master

Read Previous

AQRISO: Taariikhda Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobe u fadhinaya Soomaaliya.

Read Next

Puntland oo dalac siisay Taliyayaasha Ciidamo ka soo goostay maamulka Somaliland.