RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres, ayaa James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka u soo magacaabay Wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo bedeleya Nicholas Haysom oo 1dii bishii Janaayo sanadkan 2019 laga eryay dalka.
Wakiilkan cusub, ayaa intii u dhaxeysay 2008 illaa iyo June 2011 ahaa Safiirkii Mareykanka ee dalka Jabuuti, halka bishii Agoosto sanadkii 2013 loo magacaabay Danjiraha Mareykanka ee Koongada Dimuqraadiga.
Ninkan 56 sano jir-ka ah, maamulkii Barak Obama waxa uu ka soo noqday kaaliye ku xigeenka xoghayaha guud ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha qaaradda Afrika.
James Swan oo dhaqanka Afrika si wanaagsan u yaqaana waxa uu bartay xiriirka caalamiga ah iyo cilmiga difaaca qaranka oo uu ka kala dhigtay Jamaacada Georgetown iyo National War College.
