Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Saraakiil iyo Ciidamo isaga baxay taliska Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa ku biiray ciidamada Puntland ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag.
Taliyaasha ayaa Somaliland ka baxay kadib markii ay diideen amar uu siiyay taliyaha ciidamada Somaliland oo ku amray in ay weerar ku qaadan degmada Badhan ee gobolka Sanaag si ay halkaasi uga saaraan wefdi ka socda Puntland.Ciidamo ka tirsanaa ka soo baxay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka.

Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Gudoomoyihii gobolka Badhan ee Somaliland Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casiley xilkaasi.

Gudoomiyaha oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ayaa u xaqiijiyry iscasilaaddiisa,wuxuuna sababta ku sheegey in la yiri dagaalan wuxuu intaas ku daray in ay isku talo yihiin Taliyaashii ciidamada ee iyana iscasiley.
