Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa saaka waabarigii weerar kula jarmaaday Saldhigga Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.
Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay qaraxyo ku billaabeen weerarka saldhigga kaddib billaabatay rasaas toos ah.
Ciidanka Kenya ee deggan Saldhigga aya muujiyay is difaac sida ay sheegeen dadka degaanka,waxaana Goobjoogayaasha qaar ay sheegeen in Ciidamada Al-shabaab u suuragashay in ay gudaha u galaan Saldhigga Ciidamada Kenya.
Dagaalka uu muddo saacad ka badan socday ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Al-shabaab lagu qasbay in ay ka gurtaan qeybaha ay ka qabsadeen saldhigga markii ay weerar kala kulmeen Ciidamo Soomaali ah oo gurmad ugu tagay kuwa Kenya.
Al-shabaab, Maamulka Jubaland iyo dowladda Kenya midkoodna kama hadlin dagaalka saaka ka djacay Saldhigga Ciidanka Kenya ee Afmadow.
Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ayaa Al-shabaab ka qabsaday Degmada Afmadow sanadkii 2012kii xilligaas oo ay Ciidanka Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya iyaga oo aan oggolaansho ka heysan Dowladda Soomaaliya.
