Dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah oo loo gudbiyay Maxkamada Sarre ee Seychelles

Maxkamada Sarre ee Seychelles ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad­badeednimo, sidda uu sheegay Booliska.

Raggaan oo aanan magacooda lala wadaagin war­fidiyeenka ayaa waxaa bishii April ee sanadkan u gacan­geliyey dowladda wadankaasi ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida.

Fadhiga koowaad ee maxkamaddeynta oo qabsoomay, Isniin, April 29­keeda, ayaa waxaa lagu dhageystay gar­maqalka dacwadda xili la faray in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo illaa iyo 7­da bisha June ee sanadkan.

Bileyska ayaa laga soo xigtay in dhageysiga labaad ee maxkamadeynta ay qabsoomeyso taariikhdaasi, wallow aysan kala caddeyn hadii xukun lagu ridi doono kulankaasi ama in caddeymaha lasoo bandhigayo.

Mid kamida shaqsiyaadka la tuhunsan yahay oo lasoo qabtay laguna soo wareejiyay mas’uuliyiinta Seychelle bishii November 2017­kii ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya, December 2018­kii.

Talaabada ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad­badeeda Soomaalida ay dhalinyaradaan ugu wareejiyeen Seychelles ayaa qayb ka ah heshiis is­weedaarsiga dambiileyaasha.

Seychelles, jaziirad juquraafi ahaan ku dhow xeebta Soomaaliya oo door fir­fircoon ka qaadatay la dagaalanka burcad­badeeda ayaa saaxiibada caalamka ka taageerta soo qabqabshada shutfa badeeda.

Sanadkii hore 2015­kii, waddankan ayaa waxaa uu sameystay maxkamad casri ah, taasi oo dhageysata isla markaana xukuno ku ridda kiisaska la xiriira dambiyada burcad­badeednimada.

Maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya ee sheegta in ay la dagaalamaan burcad­badeeda ayaa qudhooda wajahaya eedeymo ku aadan xaalufinta kaluunka iyo in ay beegsadaan kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Web master

Read Previous

Laamaha amaanka oo gacanta ku soo dhigay xubno lagu eedeeyay Shabaabnimo iyo Rag burcad ah.

Read Next

South Africa’s president names Cabinet that is 50% women