Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo xalay ka dhacay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal oo qiyaastii 90km dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Inta la ogyahay shilka waxaa ku geeriyootay laba qof oo lagu kala magacaabo Maxamed Ciilqabe iyo Cabdirashiid Yaasiin, kuwaasoo saarnaa gaari nooca raaxada oo ka yimid dhanka magaalada Qardho.
Sida wararku sheegayaan gaarigan labada qof lagu dilay waxaa dul maray gaari nooca loo yaqaan Siddeed-boollah oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe.
Gaariga yar ee la dul maray oo si weyn u burburay ayaa haddana dab ka qarxay iyadoo markii dambe dabkaasi uu qabsaday gaariga weyn ee xamuulka ah, walow markii danbe lagu guuleystay damintiisa.
Ciidamada amaanka ee magaalada Qardho, ayaa xili danbe oo xalay ah gacanta ku soo dhigay nin loo maleynayo inuu ahaa wadaha Gaariga weyn ee Xamuulka waday, maadaama qofka gacanta lagu dhigay uu ahaa qof Argagaxsan.
