Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Sucuudi Caraiya oo uu shir uga qeyb galayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas si-weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii gudbeen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing

Image may contain: 1 person, standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 7 people, people smiling, outdoor

Web master

Read Previous

RW Khayre oo kulan la qaatay maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha Ciidamada.

Read Next

Laba ruux oo ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garoowe.