Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Xubno isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo shalay tagay deegaanada Sabiid iyo Caanoole ayaa ka hadlay Xaaladda deegaanadaas, kadib qiimeyn ay ku sameeyeen.
Mas’uuliyiinta tagtay Deegaanadaan waxaa kamid ah: Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amardambe Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Isaaq Maxamed Maxamuud Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xildhibaan Maxamed Saciid, iyo Xildhibaan Xamsa Maxamed Xamsa Wasiirka Gargaarka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalka ayaa sheegay in nasiib daro ay tahay in dadka deegaanadaan kunool in ay gurmad u baahdaan, xili sanadkii 1991-dii ay marti soori jireen dadkii ka barakacay dagaaladii sokeeye.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Saciid ayaa sheegay in goobo caafimaad ay ka hirgelinayaan Sabiid iyo Caanoole, si dadka u helaan qayb kamid ah adeegyada ay u baahan yihiin.
Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Xamsa Maxamed Xamsa ayaa shacabka ka dalbaday in aysan ka guurin ama ka barakicin deegaanadooda, balse ay dhexda u xirtaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada ku sugan sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Xasan Cali Maxamed Amardambe Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanadaan oo dhaca Shabeelaha Hoose laga hirgelinayo nalalka ku shaqeeya Ileyska Cadceeda.
Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda ay diyaar u yihiin ay tagaan deegaanada kale ee gacanta Al-Shabaab ku jiro sida uu hadalka u dhigay.
Deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa horaantii bishii tagtay ee April qabsaday Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
19-kii Apri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tagay deegaanka Sabiid, isaga oo la hadlay Ciidamada halkaa ku sugan
