Golaha guurtida Somaliland oo ka gaabsaday xalinta muranka siyaasadeed ee Xisbiyada.

Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waxaa soo kala dhexgalay Khilaaf siyaasadeed oo sootaagnaa 13-kii bilood ee u dambeeyay iyada oo aan ilaa haatan wax xala laga gaarin.

Khilaafka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo kala dirista Gudiga doorashooyinka iyo in ay noqdaan guddi xisbiyadu ku leeyihiin tiro siman, Inkasta oo ay jiraan culaysyo ka imanaya beesha Caalamka oo doonaya in xisbiyadu isu tanaasulaan.

Waxaa marar badan isku dayay in xaliyaan Khilaafkaan siyaasadeed waxgarad, ururo bulsho iyo Masuuliyiin Xilal ka soo qabtay Somaliland balse waa ay ku guuldarraysteen waxaan wali arrintan dhex gelin Golaha Guurtida Somaliland oo looga bartay in ay xaliyaan arimaha nuucaan oo kalaa.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka shaqeeya arrimaha nabada, wada jirka iyo midnimada Shacabka Somaliland, kuwaas oo inta badan xalliya ismaandhaafka beelaha ,muranada siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiim u ah Maamulka Somaliland, haseyeeshee hadda ayey u muuqdaan kuwo si toos ah faraha ugu laabtay xallinta khilaafkan soo jiitamay mudada ee u dhaxeeya Xisbiyadda Somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa inta badan soo kala dhex gali jiray arimaha nuucaan oo kalaa balse haataan waxaa muuqata in ay ka aamuseen,iyada oo ay taagantahey xiisad Siyaadeed oo u dhexaysa Xisbiyada UCID, Kulmiye oo dhinaca iyo Wadani oo deegaanada Somaliland aad looga hadal hayaa.

MM Staff

Read Previous

HORDHACA:Man United vs Chelsea+Safafka Macquulka ah.

Read Next

Hantidhawraha Qaranka oo amray in la joojiyo xisaab socotooyinka Dowladda Hoose ee Muqdisho.