Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
AMISOM ayaa ka hadashay sawir labadii maalmood ee la soo dhaafay aad loogu hadal hayey baraha bulshadu ku xiriirto gaar ahaa Twitter-ka iyo Facebook oo ah sawirka gabar Soomaali ah oo askari ka tirsan ciidanka AMISOM cabbir ka qaadayo si loogu biiriyo Booliska Maamulka Hirshabeele.
Qoraal ka soo dhigay barta Twetterka ee AMISOM ayaa lagu yiri “ Fadlan ogaada sarkaalka Booliiska ee AMISOM ee cabirka ka qaaday gabdha la qorayo (la ciidamaynayo) ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliiska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal lab (Rag) ah inuu taabto haween Somaali ah”.
Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ayaa tababaro siiya ciidanka Booliska iyo Maamul goboleedyada dalka qaarkood.
