Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Waxaa laso saaray warbixin ku saabsan kooxaha durba xaqiijiyay in ay uso bexeen ciyaarista tartanka Champions Leagu-ga xili ciyaareedka dambe.
Horyaalada qaar ayaa durba lasii xaqiijiyay kooxaha ku guuleystay kuwana wey ku dhawyihiin lkn horyaalka Ingriska ayaa wali maraya meel xasaasi ah oo majirto koox la dhihi karo waa ay ku guuleysan karaan.
Hadaba waxaa si rasmi ah loo soo saaray liiska kooxaha xaqiijiyay in ay sanadka dambe ciyaari doonaan tartanka Champions League-ga waxaana ka mid ah:
1-La Liga:
Horyaalka Spain ee La Liga waxaa la xaqiijiyay in kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ay yihiin labada kooxood ee si rasmi ah sanadka dambe u ciyaari doono tartanka Champions League-ga halka shaki lagaliyay kooxda Real Madrid.
2-Premier League-ga:
Horyaalka Ingriska waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in kooxaha Liverpool iyo Man City ay sanadka dambe shali la,aan ciyaari doonaan tartanka Champions League-ga waxaana wali cadeyn kooxda soo sadaxeyn doonto.
3-Bundesliga:
Horyaalka Germalka ee Bundesliga isagana waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in kooxaha Bayeren Munich iyo Borussia Dortmund ay yihiin labada kooxood ee xaqiijiyay in ay sanadka dambe ciyaari doonaan tartanka Champions League-ga waxaana shaki ku jira kooxda soo sadaxeyn laheyd.
4-Ligue 1:
Horyaalka France ee Ligue 1 ayaa ka mid ah horyaalada xili hore lagu guuleystay waxaana markale ku guuleysatay kooxda PSG kooxda ku guuleysatay horyaalka ee PSG ayaa ah kooxda ka liya ee xaqiijisay in ay sanadka dambe ciyaari doonto tartanka Champions League-ga.
5-Serie A:
Horyaalka Taliyaaniga ee Sera A-da oo ay markii 8aad oo xirir ah ku guuleyssatay kooxda Juventus ayaa waxaa la xaqiijiyay in kooxda Juve ay tahay kaliya kooxda la hubo ee sanadka dambe kasoo muuqan donta Champions League-ga waxaana suuragal ah in ay kuso xigsato kooxda Napoli sadaxaadna waxaa isku heysto labo Milan.
W/Q:Maxamed Ahmed Lio.
