Al-Bashiir oo cuntada ka soomay

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa cuntada ka soomay,waxaa uu sidoo kale diiday Daawada.

Mid ka mid ah Dhaqaatiirtiisa gaarka ah oo si hoose ula hadlay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa sheegay in Al-Bashiir xaaladdiisa caafimaad ay ka sii dareyso.

Waxaa uu Dhaqtarkaasi sheegay in uu Cumar Al-Bashiir diiday Raashinka sidoo kalena daawada diiday,taas waxaa ay sababtay in qaar ka mid ah Xididdada dhiigga qaada ay shaqada joojiyaan, heerka nafaqada jirkiisana ay hoos u dhacday.

Cumar Al-Bashiir ayaa dalka Suudaan qabsaday sanadkii 1989, waxaana laga qaaday xilka 11kii Bishan April 2019.

 

Web master

Read Previous

Xildhibaan Duniyo “Waare iyo Guudlaawe siyaasad ayey ku mashquuleen amaanna kama jiro Hirshabelle”

Read Next

Egypt’s PM urges opening BanqueMisr branch in Somalia