Dowladda oo kordhineysa ciidanka Shabeellaha hoose

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la kordhinayo Ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Shabeellaha hoose.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Ciidamada ku sugan Sabiib iyo Caanoole halkaas kula hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ee degaannadaas la kordhinayo si AL-shabaab looga saaro Gobolka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidamada dheeraadka ah ay qeyb ka qaadan doonaan in AL-shabaab laga saaro degaanno hor leh oo ay kaga suganyihiin Gobolka Shabeellaha hoose.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho uu ku sheegay dhiirro gelin ku tagay degaanno dhawaan laga qabsaday Al-shabaab,waxaana uu xusay in Ciidamada dowladda ee Gobolkaas ku sugan ay awood u leeyihiin in ay AL-shabaab ka saaraan Gobolka.

Waxaa uu taageero dhinac walba ah u ballanqaaday Ciidamada dowladda ee Al-shabaab dhowr todobaad ka hor ka qabsaday Degaannad Sabiib iyo Caanoole.

Web master

Read Previous

Cuban president consults Kenyan, Somali counterparts over abducted doctors

Read Next

Al-shabab iyo ciidanka dowladda oo ku dagaallamay Garbahaarey