Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socda Boqortooyada Sacuuidga oo uu hogaminayay Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Cabdulcasiis Qataan, waxaana socdaalka ku wehliyay mas’uuliyiin kale.


Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha dibadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya.


Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiiru Dowladaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Cabdulcasiis Qataan waxa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dowladood, isaga oo Madaxweynaha ku wareejiyay dhambaal uu ku waday Boqorka Sacuudiga.




