Kulan looga hadlayay ammaanka wadada u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Afgooye oo ka dhacay Balidoogle.

Kulankaan ka dhacay Saldhigga Ciidamada Mareykanka iyo kuwa kumaandoosta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Garoonkii Ciidamada Cirka ee Balidoogle ayaa looga hadlayay ammaanka Wadada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye.

Taliska Ciidamada Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Sh.Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in Ciidamada Danab laga doonayo in ay joogteeyaan howlgalkooda.

Waxa uu sheegay in shacabka ay sugayaan Ciidamada Danab si uu sheegay in ay dib u abuurtaan beerahooda.

Cabdiraxmaan Sh.Cumar Taliyaha Ciidanka Danab ayaa intaa ku daray in ay kordhigayaan howlgalada lagu sugayo ammaanka Wadada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye.

Shacabka ayuu ka dalbaday in ay ka gacansiiyaan ciidamada ku wargelinta deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Dalka uu ku jiro Xaalado Abaar iyo Colaad isbiirsaday, waxa kaliya looga gudbi karo waxa uu ku tilmaamay in la sameeyo midnimo.

Maxamed Siidow oo ah Gudoomiyaha Wanlaweyn waxa uu sheegay in dadka Magaaladaasi ay kaga duwan tahay marka Ciidanka Danab ay ka howlgalayaan Wanlaweyn oo uu sheegay in ay kasii durgaan Al-Shabaab.

Saraakiisha iyo Ciidamada Danab waxa uu ka codsaday in ay joogteeyaan howlgalada ay ka sameeyaan Deegaano hoostaga Wanlaweyn sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Danab ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka waday deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn, waxa ay saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ay sheegeen in ay soo saareen miinooyin dhulka la geliyay.

Web master

Read Previous

Duqa Garoowe oo maanta hortagaya Golaha Deegaanka Magaaladaas.

Read Next

Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dib u howlgalinayo Kulliyada Ciidamada ee Carmo.